Saraakiisha Dhowrista Xogta waxay udub-dhexaad u yihiin sare-u-qaadiidda halbeegyada dhowrista xogta ee ka dhex jira hay’adaha ay ka hawlgalaan. Hay’adda Dhawrista Xogta Dadweynaha waxay Saraakiishu u buuxiyaan kaalintii u horreysa ee isku-xirka iyo xoojinta wadashaqaynta xarumaha ay ka hawlgalaan iyo Hay’adda (DPA), si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta sharciga dhawrista xogta.
Saraakiishu waxay masuuliyad gaar ah ka saarantahay ilaalinta xuquuqda khusuusiyaadka shakhsiyaadka, iyaga oo tallo iyo tusaalayn ku aaddan bixinaya, sidoo kalena korjoogteyn iyo qiimeyn ku sameynaya saameynta shaqada xog-dhowrista. Qiimayntaas waxaa ka qayb ah in ay si qoto-dheer uga taxaddaraan halista iyo saamaynta ay yeelan karto tallaabo kasta oo ku saabsan adeegsiga xogta shakhsiga, iyagoo aad uga caawinaya hay’adaha ay ka hawlgalaan habka ugu habboon ay ku xallin karaan xaaladaha la xiriira khusuusiyaadka.
Sidoo kale Saraakiishu waxay korjoogteeyaan u hoggaansannaanta sharciga, iyagoo ka dhigan u doodayaal gudaha ah oo u taagan adeegsiga hagaagsan ee khusuusiyaadka. Waxay kaalin ka qaataan horumarinta iyo hirgelinta siyaasado iyo habraacyo xog-dhowrista ah oo sal adag, iyaga oo xaqiijinaya u-hoggaansanaanta sharciga ee hey’adaha.
Xilliyada kormeerada iyo baarisyada sharciga ah, Saraakiisha Xog-dhowrista ayaa Hay’adda uga wakiil ah xiriirka iyo fududeynta hawsha. Doorkoodu wuu ka ballaaranayaa keliya hoggaansanaan, oo waxay si toos ah ula falgalaan Hay’adda si loo xaqiijiyo daahfurnaan iyo wadashaqayn, loona dhiso kalsooni iyo sumcadda hay’adda.
Saraakiishu waxay sidoo kale door waxbarasho ka qaataan goobta ay ka hawlgalaan, iyaga oo kor u qaada wacyiga shaqaalaha ee ku saabsan mabaadii’da iyo xeerarka dhawrista xogta. Habkan firfircoon ayaa caawinaya yareynta halisaha, iyo suurtogelinta in hay’adaha dhexdooda laga abuuro dhaqan tixgelinaya khusuusiyaadka.
Nuxur ahaan, xiriirka ka dhexeeya Saraakiisha iyo Hay’adda Dhawrista Xogta Dadweynaha waa xiriir laba geesood ah, iyadoo ay Saraakiishu u ololaynayaan u-hoggaansanaanta khusuusiyaadka, halka ay Hay’adduna saraakiisha uga tashaneyso inay difaacayaal safka hore taagan u noqdaan xuquuqda khusuusiyaadka muwaadiniinta. Wada-shaqayntaan waxay muhiim u tahay in lagu dhex shaqeeyo saaxadda isbedbeddelka badan ee shuruucda xog-dhowrista, iyo in la xaqiijiyo isku-dheelitirnaan ka dhexeysa hal-abuurka iyo khusuusiyaadka.