Xuquuqda Asturnaanta Xogta Shakhsiga Ah

Laga soo bilaabo 1960-naadkii, waxaa la sameeyay mabaadii’da jaangooya uruurinta iyo maareynta xogaha gaarka ah, kuwaas oo ay meelmariyeen dowlado kala duwan iyo hay’ado caalami ah. Sidoo kale, 2013 ayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Xuquuqul Insaanka wadajir u gaareen go’aanno ku saabsan xaqa xogta qarsoodiga ah ee dhigitaalka ah (The Right to Privacy in the digital Age).

Dhanka kale, ilaalinta xuquuqda xogta shakhsiga ah waxaa lagu tixgeliyay dastuur kasta oo qaran iyo Sharciga Guud ee Ilaalinta Xogta (GDPR). Si lamid ah, Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha, iyo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ayaa dhammaantood jideynaya in ay lagama-maarmaan tahay “Ilaalinta iyo Xafididda Xogta Shakhsiga ah”.

Xaquuqda Asturnaanta Xogta Shakhsiga ah waa mid la xiriirta xogaha xasaasiga ah. Siyaasadaha waddamadu waa ay ku kala duwan yihiin sida loola tacaamulayo Macluumaadka shakhsiyadeed ee xasaasiga ah, waxaana kala-duwanantaas ay salka ku heysaa waaya-aragnimo hore, faham- dhaqameed iyo la-fal-galidda casrigan tiknoolajiyadda. Marka lasoo koobo, xogtu waxa ay muhiin u tahay ilaalinta macluumaadka xasaasiga ah, dhisidda kalsoonida, u-hoggaansanaanta qawaaniinta, ilaalinta dhaqannada iyo anshaxa, kobcinta hal-abuurka iyo ilaalinta madax- bannaanida shakhsiyaadka.

Haddii xogta shakhsiga ah ay lunto, loo isticmaalo si aan habbooneyn ama ay si ulakac ah bannaanka ugu baxdo; waxaa ka dhalanaya takoorid shakhsiyadeed, dhibaateyn, hanjabaad iyo saameyn nololeed oo taban. Sidaas awgeed, Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynahu waxay xoogga saareysaa bedka-qabka nololeed, midka sharafeed iyo caafimaadka shakhsiga. Waxayna tababbar iyo wacyigelin joogta ah siineynsaa saraakiisha qaabilsan xogaha ee ka shaqeeya hey’adaha dowliga ah, hey’adaha caalamiga ah, shirkadaha bangiyada, goobaha caafimaadka si sare loogu qaado aqoontooda ku saabsan dhowrista xogaha iyo ka-hortagga halisaha ka imaan karo adeegsiga qaldan ee xogaha shakhsiyaadka.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxa ay xaq u leeyihiin in loo ilaaliyo xogahooda si sharci ah oo waafaqsan xeerarka u degsan Hay’adda iyo guud ahaan dalka. Waxaana xaqiijinta arrintaas uu waajib ka saaranyahay cid kasta oo u xilsaaran, gaar ahaanna saraakiisha xogheynta, sida ku cad Qodobka 15-aad ee Sharciga Hay’adda oo si faahfahsan u qeexayay hababka Faafinta Ujeedka, Yareynta Xogta, Keydinta iyo Saxnaanta.